Taliyihii Ciidamada Isku dhafka Galkacyo yo Saraakiil kale oo lagu qarax Qarax Ismiidaamin ah.

0

Qof naftii halige ah oo isku soo xiray wacxyaabaha qarxa ayaa dhexda ka galay goob ay ku sugnaayeen saraakiil sare yo ciidamada isku dhafka ah ee loo sameeyay in ay sugaan amniga Magaallada galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Inta la xaqiijiyay qaraxa ismiidaaminta ah waxaa ku nafwaayay ilaa seddex ruux oo uu ku jiro taliyihii Ciidamada isku-dhafka ahaa oo ay dowladda Soomaaliya u sameysay Gaalkacyo kaasi oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Xukun Cabdullaahi Maxamuud korneel Xorreeye.

Sidoo kale saraakiisha qaraxa ku dhimatay ee la xaqiijiyay waxaa kamid ah Cabdi Qani Axmed Geyre.

Ciidamo badan iyo saraakiil kale ayaa qaraxa ku dhaawacmay waxaana mas’uuliyadda weerarkaan sheegtay Xarakada Alshabaab.