Qaliin Ay iska Kaashanayaan Jaaliyada Somaliyeed Ee Australia iyo Kalkaal Foundation Ayaa Dhacaya Muqdisho

0

Hay”ada Kalkaal Foundation Ayaa Waxaa Ay Fulinaysaa Qaliinka isku Furan ka Haweenka Hay”adaan Ayaa si Bilaash Ah U Fulisa Qaliimadaan Loo Qabanayo Shacabka Soomaaliyeed Ee Aan Awooda u Lahayn in Ay Ka Faa”iideystaan Adeegyada Lacagta Ah Qaliimadaan Ayaa Waxaa Taageerayada Jaaliyada Soomaaliyeed Dalka Australia .

Hay”adaan Ayaa Ah Mid Walba garab taagan shacabka soomaaliyeed waxaana ay horey u fulisay qaliimo kala duwan waxaana ay dalka ka bilowday olole dhinaca Adeega Caafimaadka ah Oo dad Loogu adeegayo.

Dhinaca Kale Jaaliyada Soomaaliyeed Dalka Australia  Ayaa Xil iska saaray sidii ay u caawin lahaayeen shacabka soomaaliyeed ee ku sugan wadanka gudihiisa, waxaana ay balan ku qaadeen in dadka iyo dalkaba wax Badan ay u qaban doonaan.

Hay”ada Kalkaal iyo Jaaliyada Soomaaliyeed Dalka Australia ayaa iska kaashanaya Qaliimada isku Furanka Ee La Fulinayo 1-20 bishaan 12 naad ee sanadkaan 2018-ka.