Qalab casri ah oo imtixaanaadka lagu qisho Oo soobaxay

0

Macallimad reer Singapore ah ayaa qirtay in ay lix ilmood oo Shiinays ah ka caawisay in ay khiyaamaan imtixaankii 2016kii, taacs oo dacwad oogeyaashu ay ku sheegeen arrin aad looga soo baaraan dagay.

Tan Jia Yan ayaa imtixaanka shay iyada oo si shaqsi ah isu diiwaangalisay markii imtixaanka laga qaadayay ayayna muuqaal ahaan u wacay iyadooo ardaydii kale jawaabaha u akhrinaysa.

Ardayda ayaa marka ay imtixaanka galayeen watay taleefoon iyo sameecadaha yaryar oo dhagaha la gashado oo aan fiilo lahayn oo loo ekaysiiyay maqaarka ardayda.

Tan ayaa Isniintii qiratay 27 dacwadood oo khayaano la xiriira.

Imtixaanaadka ayaa ahaa nooca O-levels loo yaqaanno oo caadiyan laga qaado ardayda 16 jirka ah. Saddex ruux oo kale ayaa wajahaya dacwado noocaas oo kale ah.