Animation

Qaban qaabada so dhaweynta Farmaajo oo Muqdisho laga dareemayo.

no responses
Saturday September 24, 2016 - 11:18 under Breaking News by admin
mqdefault

Musharraxiinta xilka madaxweyne ee Soomaaaliya waxay maalmahan dmabe kusoo qulqulayeen magaalada Muqdisho, iyadoo inta hadda ka maqan magaalada ay aad u yar tahay.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ka mid ah musharraxiintan, isaga oo dhowaan imaan doona.

Xogta aynu helnay waxay sheegeysaa in Farmaajo imaan doono Todobaadkan gudahiisa, wallo ay jiraan warar sheegaya in maalinta Axad Imaanay balse si rasmi ah looma hubo, marka laga soo tago in Todobaadkan imaanayo.

Taageerayaasha shacabka ah ee Farmaajo ayaa isku diyaarinaya soo dhoweyntiisa, waxaana ay billaabeen sameynta Boorarka Farmaajo lagu soo dhoweynayo.

Waxaa la arkayaa shacabka oo isku tashi sameynaya, islamartkaana si iskood ah isku abaabulaya, kuwaasi oo doonaya in illaa iyo Garoonka ay uga hortagaan.

Farmaajo ayaa ah nin haysta Taageerada shacabka Soomaaliyeed, waxaana lagu xusuustaa xukuumaddii uu hoggaaminayey ee Tayo.