Somali News Top News Xulashada K24

Puntland oo Si kulul u Cambaareysay Lacagtii Dawladdu ugu deeqay Somaliland.

Maamulka Puntland ayaa sharci daro ku tilmaamay  lacag hal malyan ah oo dowladda federalka Soomaaliya ay shalay ku dhawaaqday in loogu deeqay maamulka Somaliland, dhawaan ay ku dhufteen duufaano xooggan oo sameyn weyn gaarsiiyay dad iyo duunyo.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdulaahi Cali Xirsi Timacadde  Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ayaa cambaareeyay lacagtaan isagoo sheegay in loogu talo galay in Muuse Biixi hub loogu iibiyo islamarkaana lagu huriyo colaada ka taagan Sool.

Wasiirka ayaa xusay in Puntland inaysan kasoo horjeedin in shacabka Soomaaliyeed ku dhaqan waqooyiga Soomaaliya in lacagtaas wax loogu qabto, balse ay ka walaacsan yihiin in loo adeegsado arrimo siyaasadeed iyo abaabul colaadeed.

Dawladda Soomaaliya ayaa hal milyan oo Doollar ugu deeqday hawlaha gurmadka duufaatanadii ka dhacay degaanada Maamulka Somaliland.

Gudiga Qaran ee gurmadka oo uu shir gudoominayay Raiisal wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in Dawladdu ay dadaal badan ku bixisay sidii loo caawin lahaa muwaadiniinta ay saameeyeen fatahaadaha iyo roobabka dabaylaha watay ee ku dhuftay qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Related posts

Gabadha Ugu Da’da Yar Ee Baarlamaanka Oo Durba Ka Dhowaajisey War Farxad Geliyey Shacabka

admin

Qurbajoogta Puntland ee Finland Iyo Wakiilka u Fadhiya Puntland ScandeneviankaAyaa si wadajir ah waxay ugu Tacsiyeynayaan geeridii Allaha u Naxariistee Xaliimo Xuseen Caato

Tifaftiraha K24

Maxaa kajira in uu bur buray Wada hadalladii u dhaxeeyay Ganacsatada gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Maaliyadda?

admin