Somali News

Puntland oo sheegtay sababta ay udiiday meel marinta sharciga batroolka soomaaliya.

Puntland, ayaa si rasmiya u qaaddacday Sharciga Batroolka Soomaaliya, oo ay meel-mariyeen labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Sharciga Batroolka uusan waafaqsaneyn mabaadi’ida ku xusan Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, gaar ahaanna qodobkiisa 44-aad oo qeexaya in qeyb-siga Khayraadka Dabiicig ah uu noqdo mid ku dhisan Wada-xaajood dhexmara dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka.

Sidoo kale, qoraalka waxa lagu caddeeyay, in Sahrcigaasi uu ka hor-imaanayo qodobka 54-aad ee Dastuurka Puntland oo dhigaya in Khayraadka Dabiiciga ah ee ku duugan dhulka Puntland, ay ilaalintiisa iyo ka faa’ideysigiisa mas’uul ka tahay dowladda Puntland.

Puntland waxay sheegtay in aysan qeyb ka noqon doonin dhaqan-gelinta Sharcigaasi, ilaa inta ay wada-hadal isaga imaanayaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka, si looga wada-xaajoodo sharciga.

HALKAAN HOOSE KA AQRISO QORAALKA

Related posts

Daawo Mudaharad loga soo horjeedo Ciidamada Kenya oo ka dhacay Gobolka Galgaduud.

admin

Daawo: Alshabaab oo Shabeelada Hoose kusoo Bandhigtay Diyaarad Drone ah oo Shalay kusoo dhacday Deegaanka……

Tifaftiraha K24

Howlgallo dad lagu soo qab qabtay oo laga sameeyay Magaalada Gaalkacyo

Sakariye Sakariye