Somali News

Puntland oo shaacisay in dowlada Somaliya  xayiraad saartay dhanka Waxbarashada.

Puntland ayaa shaacisay in ay la kulantay sannadkan Xayiraad ay kusoo rogtay dawladda Faderaalka Soomaaliya, gaar ahaana dhanka Waxbarashada, waxayna sheegtay in si rasmi ah ay wasaaradda Waxbarashada ee Federaalka u diiday shahaadadii Ardayda Dugsiyada Sare ee Puntland ka baxay sannadkan.

Puntland ayaa maanta si rasmi ah dowladda federaalka Soomaaliya ugu eedaysay in Ardayda deegaannada Puntland ay u diidday shahaadadii dugsiyada sare ee heer federaalka, sida uu saxaafadda u sheegay Af-hayeenka xukuumadda Jaamac Dabaraani.

Puntland, waxay kaloo dowladda Soomaaliya ku eedaysay in ay ka hor istaagtay deeqihii waxbarasho ee ay caalamka ka heli jirtay sida dalka Masar.

Ardayda Puntland ee sannadkan 2019-ka ka baxay dugsiyada sare ayaa shahaadada ku helaya in ay Muqdisho ka doontaan, halka ay hore uga qaadan jireen Garoowe.

Puntland iyo Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa horey heshiis uga gaaray arrimaha Shahaadada la xariira, balse xiisadda ayaa soo laba-kacleysay markale todobaadkan, ka dib markii ay dalladaha qaarkood ee Puntland diideen Manhajka wasaaradda Waxbarashada ee dalka.

Khilaafka Waxbarashada ee Puntland iyo DFS ayaa soo bilowday kaddib markii bishii May ay Puntland qaadacday in ardayda deegaannadeedu ay galaan imtixaanka Qaran, iyadoo Puntland ku doodday in iyadu qaadista imtixaannada deegaannadeeda xaq u leedahay.

Related posts

Ciyaaryahan Feysal Aden oo shuruud adag ku xiray ku biirista Xulka Kubadda Koleyga Qaranka (Warbixin)

admin

Mursi oo markale la xukumay

admin

Update: Maxaadan Ogeyn oo Goordhaw ka Furmay Madaxtooyada Villa Soomaliya?? War ayaan idin kaga heyna

Tifaftiraha K24