Somali News

Puntland oo deegaanadeeda ka joojisay safarada gaadiidka ee habeenkii

Iyadoo lagu jiro xilli roobaad sidoo kalana ay aad usoo bateen shilalka baabuurta kadib markii wadooyinkii halbowlaha ahaa ay go’een ayaa wasaarada howlaha guud iyo gaadiidka ee puntland waxay soo saartay amar laxiriira in gabi ahaanba deegaanada Puntland xilli habeen ah aysan safri karin baabuurta.

Wasiirka wasaarada howlaha guud iyo gaadiidka ee puntland Axmed Bashiir ayaa sheegay in lajoojiyay dhamaan safarada xilliga habeenkii ah isagoona usabeeyay wadooyinka oo bur-bur xoogan soogaaray iyo xilliga oo ah waqti roobaad taasna ay sii kordhin karto shilalka gaadiidka habeenkii safra.

Guddiga Xuquuqul Insaanka Baarlamaanka Puntland ayaa warbixin ay udugbiyeen  Xildhibaannada Golaha Wakiilada waxay ku sheegeen in shilalka gaadiidka ee Puntland ka dhacay Lixdii bilood ee la soo dhaafay ay ahaayeen 1833 shil oo ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 206 qof iyadoona shilalkaas inta ugu badan ay dheceen xilli habeen ah.

Related posts

DEG DEG: Diyaarad ay saarnaayeen 60 qofood oo Rakaab ah iyo shaqaale oo Goordhaw bur burtay

admin

PROTECTION OF CIVILIANS IN SOMALIA 2016-2017 FACT SHEET

admin

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe oo dhagax dhigay xarunta Golaha Wasiirada Hirshabelle

Ahmed sudani