Puntland oo Dar dar gelin ku bilaabaysa Ciidankooda jiida hore, ka dib booqashadii Farmaajo

0

Maamulka Puntland ayaa dar dar gelin ku bilaabaya ciidanka jooga jiidaha hore ee dagaalka ay kula jiraan Ciidanka Maamulka Somaliland, ka dib markii ay xalay sagootiyeen madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliyeed Maxamed C/lahi Farmaajo oo maalmihii la soo dhaafay ku marayay deegaanadooda.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Maamulka Puntland ayaa warbaahinta gudaha ka sheegay in ay u soo jeensan doonaan difaaca deegaanadda puntland maadaama ay haatan sagootiyeen madaxweynihii federaalka.

Dhowaan ayaa waxaa degaanka tukarraq ee dhaca gobolka Sool ay yimaadeen ciidan ka tirsan Soomaalliland taas oo aysan weli wax jawaab ah ka bixin Pntland.

Qaar ka mid ah golaha wasiirrada Puntland ayaa qeyb weyn ka qaadan doona dar dar gelinta ciidanka iyadoo lagu wado in ay dhowaan booqdaan Deegaanka Tukarraq iyo ciidanka fadhiya jiida hore .

Shacabka Puntland ayaa ka war dhowraya tallaabadda ciidanka iyo saraakiisha Puntland u qaadaan dhanka dagaalkii dhowaan lagula wareegay Tukaraq.