Animation

Puntland & Jubbaland oo isku Aragti ka ah Doorashada Somaliya iyo Baydhabo oo Aragtada 4.5 aminsan.

no responses
Wednesday November 18, 2015 - 12:10 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Wada-tashiga lugu doonayay in lugu oggaado aragtida qaybaha bulshada Soomaalida ayaa lugu soo gaba-gabeeyay dalka oo dhan,waxaana soo baxdey labo aragti oo kala duwan.

Ergada aragtida doorashada ka dhibatey ee ku sugan deegaannada Puntland iyo Jubbaland ayaa isku mid ka noqdey qabka ugu haboon ee dalka loogu qaban karo doorasho,waxaana ay soo jeediyeen nidaamka degmooyinka in wax lugu qaybsado.

“Nidaamkan waxuu nugu dhaweynaya dimuquraadiyadda,Jubbaland horey ayay u tijaabisey in degmooyinka lugu qaybiyo awooda maamulka,waana lugu guuleystey,haddana waxaa ka soo baxdey argtida dadka Jubbaland degmooyinka in wax lugu dhiso,”ayuu yiri afhayeen u hadlay maamulka Jubbaland ee ka tiliya gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Dadka deggan Jubbaland iyo Puntland ayaa diidey nimadka qabaliga ah ee 4.5 in wax lugu qaybsado,waxaana ay ku sheegeen nidmadka inuu yahay mid qaldan oo dimuquraadiyadda wax u dhimaya.

Aragti ka duwan tan ka soo baxday Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa soo bandhigay gobollada Koonfurta,waa illa koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug illa magaalada Muqdisho,waxaana qayb ka ah maamulka Koonfur-galbeed.

Dadka degan gobollada ee ka aragti dhibtay qabka uga haboon ee ay Soomaalida doorasho ka duwan kuwii hore uga dhici karto marka la gaaro 2016,waxaa ay soo jeediyeen doorashadda in lugu saleeyo nimadka qabaa’ilka ee 4.5.

Soomaalida ayaa inta badan ka soo hor jeeda nimadka qabaa’ilka,balse waxaa muuqanaysa inaysan siyaasad ka marneyn aragti dhiibashada dad weynaha.

Bisha December ayaa lugu wadaa in la go’aamiyo nooca doorasho ee ka dhacaysa dalka sanadka dambe ee 2016,waxaana la qaadan doona aragtida ugu wanagsan ee ka soo baxday bulshada qaybaheeda iyo hoggaamiyayaasha dalka.

Facebook Comments