Prof: Axmed Ismaaciil Samatar oo Fariin ku aadan dagaalka Tukaraq u diray C/wali Gaas(Aqri)

0

Prof: Axmed Cismaaciil Samatar oo shalay booqday jiida hore ee dagaalka deegaanka Tuakaraq oo ay isku fadhiyaan Ciidamada Somaliland iyo Puntland ayaa ugu baaqay Maamulka Puntland in muhiim ay tahay in nabad lagu wada noolaado,islamarkaana Puntland iyo Somaliland ay yihiin Labo dal oo wallaalo ah,sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne C/wali Gaas oo uu sheegay iney saaxiibo yihiin ayuu ugu baaqay inaan tartanka ka dhaxeeyo Puntland iyo Somaliland uusan noqon mid dagaal,balse uu noqdo mid dhaqaalo,waxbarasho & waliba xagga dhismaha.

Wuxuuna sheegay in Ciidanka Somaliland mar kasta ay u taagan yihiin Difaaca sharafta iyo Qaranimada Somaliland,islamarkaana cidna looga aabe yeeli doonaan iney wax u dhinto midnimada iyo madax banaaninada Somaliland.

Prof; Axmed Cismaaciil ayaa markii ugu horeysay tagay jiida hore ee dagaalka Tukaraq gaar ahaan qeybta ay kaga sugan yihiin Ciidanka Somaliland,isagoona geeyay halkaasi 50-neef oo Ari ah oo lagu dhiira gelinayo Ciidanka Somaliland.