Somali News

Orodyahanka Caanka Ah Ee Reer Jabuuti Ayaanle Suleymaan Oo Wacdaro Ka Dhigay Tartanka Orodka Ee Ka Socdo Dalka Brazil (Sawiro)

Orodyahanka caanka ah ee dalka Jabuuti Ayanleh Souleiman ayaa ku guuleystay Kaalinta 2aad ee tartanka orodka ee ka socdo magaalada Rio de janeiro (Rio 2016) ee caasimadda dalka Brazil.

Waxaa loo tartamayey Kaynaan (masaafo) ah 800 Mitir, wuxuu Ayaanle ku orday 1:45:48 (Hal daqiiqo, 45 ilbiriqsi iyo 48 milli ilbiriqsi). Waxaa kaalinta 1aad galay orodyahanka Kenya ee lagu magacaabo David Rudisha kaasoo isagana fogaantaasi ku orday 1:45:09(Hal daqiiqo, 45 ilbiriqsi iyo 9 milli ilbiriqsi).

Sawirada hoose waa sawiro laga qaaday Ayaanle Suleyman sanadihii la soo dhaafay xiligaasoo guulo u soo hoyiyey dalkiisa Jabuuti.

Ayanleh Ayanleh1 Ayanleh2 Ayanleh3

Related posts

War Cusub: Booliska Dalka Britain oo Baaritan ku haaya Qofka ka dambeeya Dil Shalay loo geystay Haweyney ka tirsaneyd Baarlamanka Dalka UK

Tifaftiraha K24

Ciidamada Xoogga Dalka Uu Guul Ka Sheegtay Dagaal ay la galeen Alshabaab.

Ahmed sudani

Daawo Sawirrada: Maxay tahay Sababta Marwada Xasan Shiikh ay Kooxaha Isboortiska ugu kala Xaglineyso???

Tifaftiraha K24