Somali News

Odoyaal lagu xiray Buuloburde iyo Amisom oo qeyb ka ah

Odayaal ka soo horjeestay maamulka cusub ee loo magacaabay degmada buuloburde ayaa lagu xiray degmadaas waxaana odoyaasha xiray ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Amisom.

Nabadoon Cali Cumar Qaansaweyne oo kamid ah waxgaradka degmada Buulo Burde ayaa sheegay Madaxda Hir-Shabeelle  ay u sheegeen inaysan aqbaleyn Maamul ay si awood ah ku keenaan Madaxda Hir-Shabeelle.

Hayeeshee uu sheegay in taasi ay keentay in balantii ay la galeen Madaxda Hir-Shabeelle ay uga baxeen taas oo aheyd in wax Maamul ah aan markale loo soo Magacaabi Karin degmada.

Dhianaca kale degmada Buuloburde waxaa si xoogan ooga socda banaanbax xoogan oo looga soo horjeedo maamulka cusub ee loo magacaabay degmada Buuloburde oo ay magacowday wasaarada arimaha gudaha maamulka Hirshabeelle.

Related posts

XOG: Xiriirka u dhaxeeya Soomalia iyo Imaaraadka Carabta oo Haadaan kasii dhacaya.

admin

Warbixin: Madaxtooyada Soomaliya oo Awood iyo Dhaqaalo u Adeegsatay Kuraasta Aqalka Hoose ee Beesha Waceysle

Tifaftiraha K24

Fahfaahinta Qaraxii Maanta Muqdisho ka dhacay.

admin