Animation

Odayaasha ku dhaqan Hiiraan Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Dagaallada Baladweyne

no responses
Tuesday October 20, 2015 - 10:00 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Waxgaradka gobalka Hiiraan oo kulan degdeg ah ku yeeshay magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, waxay ku baaqeen in la joojiyo dagala beeleed shalay ka dhacay galbeedka magaaladaasi.

Waxa ay sheegeen inay aad uga xunyihiin guud ahaan waxgaradka gobalkaasi dagaallada dhiigga ku daatay, waxaana ay ugu baaqeen dhinacyada is haya in xaaladda ay qaboojiyaan.

“Hadii aan nahay waxgaradka Hiiraan waxaan si wadajir ah ugu baaqeynaa in la joojiyo xabadda dhacaysa, waa in nabadda laga shaqeeyo, waa in wada hadal la’isugu yimaado, midda kale ciidamada AMISOM hadii ay ahaan lahaayeen Jabuuti iyo Itoobiya waxaan leenahay howshiina waad gabteen” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah Odayaasha kulmay.

Dagaal u dhaxeeyay Maleeshiyo beeleed ayaa shalay ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baladweyne, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Xaaladda ayaa maanta ka yara deggan sidii shalay, waxaana dhinacyadii dagaallamay ku kala dhex jira ciidamada AMISOM.

Facebook Comments