Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Magaaalada Cadaado oo lakulanka Kheyre ka biyadiidan.

0

Wararka laga helayo Magaalada Cadaado ayaa waxaa sheegayaan in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdigii uu hogaaminayay ee halkaas gaaray ay isaga ambabaxeen Magaalada.

Waxgaradka iyo Odayaasha Cadaado ayaa diiday inay kulan la yeeshaan Ra’iisul Wasaare oo Maanta halkaas gaaray,iyadoona ay kusoo dhaweeynee Xildhibaano ka tirsan maamulka Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka oo ku sugan Cadaado.

Sidoo kale Odayaasha reer Cadaado ayaa sheegay inuu Ra’iisul Wasaaraha uga baxay balan oo ay la galeen markii ugu horreysay ee uu yimid Cadaado,isla markaana tilmaamay inay go’aan ku gaareen in aysan la kulmin Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdigii la socday ayaa u ambabaxay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,waxaana halkaasi ka socota qabanqaabada lagu soo dhaweeynayo.