Odayaasha dhaqanka Beesha Sacad oo Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre ka diiday Kulamo Siyaasadeed

0

Odayaasha Galmudug gaar ahaan beesha Sacad ayaa ka diiday Raisal Wasaare Xasan Kheyre kulamo siyaasadeed oo beesha la yeelato Rai’sal Wasaaraha.

Diidmada Odayaasha ayaa la xiriirta Madama 10 Bisha lagu balansanyahay in Beesha ay yeelato kulan gooni ah kaasi oo laga soo saarayo go’an mideyaan.

Sida ay muujineyso xog Mudug24 heleyso qaar kamid ah Odaaysha ayaa durba Kheyre u sheegay in beesha aysan la sameen karin wax kulan siyaasadeed ah marka laga reebo kulamada caadiga ah.

Hadalka Odayaasha ayaa kusoo aadaya iyadoo Raisal Wasaare kheyre uu Gaalkacyo u soo gaaray Kulamo dhanka Siyaasada iyo Doorashada Galmudug.