Animation

Obama oo Weerar afka ah ku qaday Trump.

no responses
Friday September 9, 2016 - 2:30 under Breaking News by admin
mqdefault

Barack Obama ayaa ku tilmaamay Donald Trump qof war moog”ah ka dib markii musharaxa Jamhuuriga uu sheegay in Madaxweynaha dalka Ruushka Putin uu ka hoggaamin wanaagsan Obama.

Isagoo ka hadlayay Laos, Mr Obama ayaa sheegay in mar walba oo Mr Trump hadla waxa ay noqota wax iska cad in musharaxa Jamhuuriga uusan u qalmin inuu noqdo madaxweyne.

kulan toos looga sii daayay telefishanka arbacadii, Mr Trump ayaa amaanay Mr Putin maamulkiisa ” iyo kalsoonida ay ku qabaan shacabkiisa ee 82% heerka ansixinta.

Mr Obama ayaa yiri: “Uma maleynayo Trump inuu yahay nin u qalma in uu noqdo Madaxweynaha Maraykanka waayo mar walba oo uu hadla, taa ayaa xaqiijineso.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shaqada diblomaasiyadeed uu wajahay ee labada shir ASEAN ee Laos iyo kulanka hore G20 ee Shiinaha.

Waxa uu yiri: “Waxaan kuu sheegi karaa isdhexgalka aan la lahaa sideed ama sagaalki maalmood ee la soo dhaafay hogaamiyayaasha caalamka tani inay tahay hawl khatar ah.

“Dhab ahaantii waad in aad ogtahay waxa aad ka hadleyso oo dhab ahaantii aad kaso shaqeesa kana fikirta waxa aad ku hadasho, waxay ka tarjumayaan Fikirka-siyaasadda aad fulin karto.”