Somali News

Nuur Salaad Taliyihii Saldhiga Boliiska ee Magaalada oo La dhaawacay loogeystay

Wararka ka imanaya magaalada Bosaso ayaa sheegaya in koox ku hubeysan bastoolado ay ku dhaawaceen taliyihii Saldhiga Booliska Nuur Salaad ee magaalada Bosaso Col. Cumar Warsame Ciise xilli uu ka soo baxay masjidka Faadumo ee magaalada Bosaaso.

Wararku waxa ay sheegayaan in dhaawac culus uu soo gaaray taliyaha balse haatan lagu daweynayo isbitaalka National ee magaalada Bosaso.

Rasaastii ay fureen kooxda weerarka geysatay ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay qof shacab ah oo halkaa ku sugnaa, kaasi oo magaciisu lagu sheegay Mamamad Axmad Maxamad oo ku magac dheer Baariyow, kana mid ah derawalada gaadiidka dadweyanaha .

Kooxdii weerarka geysatay ayaa ka baxsaday halka ay ku weerareen Korneylka,hase yeeshee goor dambe ayaa waxaa gaaray ciidamad amniga magaalada Boosaaso.

Ammaanka magaalada Boosaaso ayaan wanaagsanayn iyadoo kooxo bastoolado ku hubeysan ay weeraro ka geystaan magaalada mudoo yinkii udambeeyay.

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa lagu dhaawacay gudoomiye ku xigeenkii hore ee Maxkamada racfaanka gobolka Bari Mustaf Axmed Aadan, taas oo ahayd labo habeen ka hor.

Related posts

War cusub: RW Sharmarke muxuu ka yiri weerarkii shabaab ay Liido ka geysteen???

admin

War cusub: Maxaadan ogeyn oo ka dhashay dagaal alshabaab xalay ku qaaday saldhig ciidamada jubbaland ay ku leeyihiin…..

Tifaftiraha K24

Muqdisho:-Wasaaradda Amniga oo Baaq kulul u dirtay Shacabka Muqdisho

Ahmed sudani