Somali News

NISA oo Shaacisey in ay gacanta ku dhigeen Shabakad uqaabilsaneyd Kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay in howlgalo dhacay 26 iyo 28 bishan Janaayo lagu soo qabtay Shabakad Al-Shabaab u qaabilsan qaraxyada, inkastoo aan la shaacin shabakadaas inta ay ka koobneyd.

Hase ahaatee barta Twitter-ka ayaa waxaa la soo geliyay sawirada maadooyinka laga sameeyo qaraxyada, sida fiyuusyada wax qarxiya, batariyaal, iyo gumacyada rasaasta loo yaqaano RBG.

Lama shaacin goobta laga soo qabtay shabakadan, balse waxaa la tilmaamay in wada shaqeyn hey’adaha amniga iyo shacabka ay suura gelisay guushan, sida lagu daabacay barta Twitter-ka.

Hey’adda NISA ayaa muddooyinkii u dambeeyay barta Twitter-ka si kooban ugu soo bandhigeysay warbininada la xiriira howlgalada gaarka ah ee lagu soo qabto shaqsiyaadka la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

 

Related posts

Fu Yuanhui:-La igama gulaysan lahayn ee caado ayan qabay.. waraysi Cajiib ah.

admin

Dhagayso:- Dagaalyahan katirsan Al-shabaab oo ku dhintay Qarax uu aasayey

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Dhageyso Kulan lagu taageeraayay Go’aankii Xildhibaanada Galmudug ay Xilka uga qaadeen Guulled oo Maanta ka dhacay Muqdisho

Tifaftiraha K24