Somali News

Ninkii dadka muslimiinta ku laayey New Zealand oo go’aan lala yaabay qaatay

Brenton Tarrant, oo ah Nin u dhashay dalka Australia, 50 qofna Jimcihii ku dilay Dalka New Zealand ayaa ceyriyay qareenkii u doodayay.

Warbaahinta Dalka New Zealand ayaa sheegay in Ninkii Muslimiinta ku laayay New Zealand oo ceyriyay qareenkii u doodayay Brenton Tarrant, uu go’aansaday in uu isaga is matalo si uu aragtidiisa xagjirnimada ah ugu baahiyo ka qeybgalayaasha Dacwaddiisa.

Xeer Ilaaliyaha guud ee New Zealand ayaa sheegay in Ninkan caddaannimada la weyn tahay ay Maxkamadda u qabatay Qareen lagu magacaabo Richard Peters, laakiin uu iska eryay.

Waxaa uu ku dooday in uu isaga is matalayo islamarkaana iska difaacayo eedaha loo heysto isaga oo aragtidiisa ku baahinaya Maxkamadda horteeda.

Golaha Wasiirrada New Zealand ayaa waxa ay meel mariyeen xeer lagu xakameynayo Hubka laga iibsado Online-ka iyo kan sida caadiga ah loo iibsadaba.

Brenton Tarrant, ayaa Jimcihii 50 Qof oo Muslimiin ah oo ay ku jiraan 3 Soomaali ahayd ku dilay weerar uu ku qaaday labo Masaajid oo ku yaalla dalkaas.

Related posts

TOP NEWS: Madaxweyne Xasan Shiikh oo Qaarada Afrika ku Amaanay Hal Arin oo Muhiim ah Maxay tahay?

Tifaftiraha K24

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ku baaqay in dib loogu laabto doorashadii 8 Kursi

admin

Akhriso: Qaramada midoobay oo warbixintii ugu dambeysay ka soo saartay tirada cudurka daacuunka ugu geeriyootay wadanka soomalia

Tifaftiraha K24