Animation

Nin la dhashay Jihadiste Britain la dilay isagoo ka barbar dagaalamayey Alshabaab oo Nacayb u muujiyey

no responses
Friday October 16, 2015 - 12:01 under Somali News by admin
mqdefault

Michael Evans oo ay walaalo ahaayeen Thomas Evans oo bishii June ee sannadkan lagu dilay Iska horimaad Dagaalamayaal Alshabaab iyo Ciiddanka Kenya ku dhex maray Waqooyiga Kenya ayaa sheegay inuu aad u karaahsaday qaabkii lagu dilay Walaalkiisa,

Jihadiste Thomas Evans oo magaca Abdihakim la baxay markii uu soo islaamay sannadkii 2009-kii ayaa waxa uu qeyb ka ahaa Tobaneeyo Dagaalamayaal Alshabaab iyo Aaksr Kenyaan oo lagu dilay iska horimaad ka dhacay meel ku dhow Xero ay Milliteriga Kenya ku leeyihiin duleedka Lamu.

Michael Evans oo ah Walaalka ka yar Jihdistaha la dilay ayaa sheegay inuu karaahsaday Walaalkiisa, kadib, markii uu dareen murugo leh ku beeray Hooyadiisa oo ka naxday dilka Wiilkeeda.

Isagoo la hadlayey Barnaamijka Toddobaadlaha ee This week’s Radio Times ayaa sheegay inuu u karaasaday Walaalkiisa geeriyooday saamaynta murugadda haysta Hooyadiisa iyo kaalinta uu ka qaatay dhibaatooyinka loo geystay dadka Birri-ma-geydada, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Hooyo Sally Evans oo 57 jir ah ayaa iyadana sheegtay inay ku faraxsan tahay dilka wiilkeeda Jihadiste Thomas Evans, maadaama uusan mar kale dhibaatayn doonin dad kale, waa sida ay hadalka u tiri.

Jihadiste Thomas Evans waxa uu ku biiray Dagaalamayaasha Xarakadda Alsshabaab sannadkii 2012-kii, kadib, markii uu ka soo haajiray dalkiisa hooyo ee Britain.

Dhinaca kale, Dowladda Britain  waxay dalkeeda ka mamnuucday Muwaadiniintooda  inay ku biiraan Xarakadda Alshabaab, inkastoo la rumeysan yahay inay ilaa 50 Jihadistayaal British ah ku biireen Dagaalamayaasha Alshabaab ee dagaalladda kula jira Dowladda Federalka Somalia iyo Hawlgalka AMISOM.