NIISA oo soo bandhigtey Saraakiil ka soo baxsatey.

0

War qoraal ah oo lagu daabacay barta ay Twitter-ka ku leedahay hay’ada nabadsugudda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in 9 sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab ay iska soo dhiibeen Gobolka Gedo,waxaana kamid ahaa laba Sarkaal oo kala qaabilsanaa Maktabka Dacawada( Propaganda-da)  Xizbada iyo Maktabka (Fursaanul Xizba.

“Sagaal (9) sarkaal oo Alshabab ah  ayaa asbuucii lasoo dhaafay iska soo dhiibay gobalka Gedo. Waxaa ka mid ah labadaan sarkaal oo kala qaabilsanaa maktabka Dacawada( Propaganda-da)  Xizbada iyo Maktabka (Fursaanul Xizba)”ayaa lagu yiri War ka soo baxay NISA.

Sidoo kale NISA ma shaacin magacyada labada Sarkaal ee tirsanaa Al-shabaab ee dhawaan isku dhiibay Ciidanka dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo.