Animation

Nicholas Kay oo beeniyey hadalkii Madaxweyne Xasan Shiikh ee ku aadana..

one response
Tuesday November 10, 2015 - 2:56 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay oo xiligan ku sugan magaalada New York oo uu uga qeyn galay shirkii Golaha Amaanka uga hadlay xaalada Soomaaliya ayaa beeniyey in diyaarad ay kusoo dhacday Sh/hoose.

28kii bishii Oktoober ayey ahayd markii la sheegay inay diyaarad kusoo dhacday deegaanka Furuqley ee gobalka Shabeelada Hoose, diyaaradaasi oo la sheegay inay u socotay Airporka Bali-Doogle oo ay saldhig ku leeyihiin AMISOM iyo sirdoonka Maraykanka.

Diyaaradaasi ayaa la sheegay in rakaabkii saarnaa oo ay ku jiraan Saraakiil ajnabi ah ay gacanta ku dhigeen Kooxda Al Shabaab.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa dhawaan sheegay in koox Burcad ah ay gacanta ku dhigeen dadkii saarnaa diyaaradaasi oo aan la shaacin dalalka ay kasoo jeedaan.

Balse Nicholas Kay oo u waramayey idaacada Maraykanka ee VOA ayaa sheegay in dhankooda ay sameeyeen baaritaan isla markaana aysan jirin wax diyaarad ah oo ay arkeen inay kusoo dhacday gobalka Shabeelada Hoose, wuxuuna xaqiijin in diyaaradaasi aysan lahayn UN-ka isla markaana aysan ogeyn wax diyaarad ah oo soo dhacday.

Ambassador Kay ayaa sheegay in ay hawlgal ay arrintan ku baarayeen ay si wadajir ah u sameeyeen dhankooda iyo ciidamada AMISOM iyagoo kaashanaya dowlada Federaalka, ayna waayeen wax diyaarad ah oo soo dhacday.

Wuxuu sidoo kale sheegay inaysan jirin cid sheegatay inay diyaarad kasoo dhacday ama dal sheegay in dad laga afduubay.

Warkan oo ka hor imaanaya hadalkii uu horey u sheegay Madaxweynaha Federaalka Xassan Shiikh oo isagu qiray in diyaaradaasi rakaabkii saarnaa ay qafaasheen kooxo burcad ah.

Maxamed Cismaan

logokis2
xigasho: Horseed Media

Facebook Comments