Animation

Natiijadii Ugu Dambeysa Doorashada Mareykanka iyo Donal Trump oo Codad Badan ku Hogaaminaayo

no responses
Wednesday November 9, 2016 - 5:42 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Doorashada Mareykanka ayaa Meel Gabo gabo ah Mareysa waxaana soo baxeysa Natiiho Hordhac ah oo laga helaayo Cod Bixinta iyo Musharaxa ku horeeya.

Musharax Donal Trump ayaa la sheegay in uu aad kaga horeeyo Hillary Clinton Codadka Hordhaca ah ee la tiriyay ayaa la sheegay in uu ku Horeeyo Trump.

Trump Codadka uu helay waxa ay gaareysa ilaa 245 Cod waxaana laga rabaa Codad gaaraya 270 Cod Halka Hillary Clinton ay Heysato Codad garaya 215 waxaana laga doonaya 270 sida Muuqata Farqi ayaa u dhaxeya Labada Musharaxa.

Goobaha codbixinta ee gobollada qaarkood ayaa la soo xirayaa, waxaana soo baxaya natiijooyin hordhaca ah.

Dadka codeynayay ayaa muujiyay sida ay u diidan yihiin hab dhaqanka musharrixiinta, waxaan su’aallaha la weydiiyay ka mid ahaa

Ma ku dhibtaa sida uu Donadl ula dhaqmo haweenka?

71% waxay ku jawaabeen “Haa”

28% waxay ku jawaabeen “Maya”

Sidoo kale waxaa la weydiiyay ma ku dhibtay sida ay Hillary Clinton u maareysat nidaamka emaillada?

62% waxay ku jawaabeen “Haa”

37% waxay ku jawaabeen “Maya”