Somali News

Nabadsugida Maamulka Jubbaland oo soo bandhigtay Nin ku dilay Magaalada Kismaayo.

Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu askari ku dilay magaalada Kismaayo, kana qaatay qorigiisa.

Sida lagu shaaciyay barta Facebook ee Nabadsugida Jubbaland, ninka la soo qabtay ayaa la sheegay in habeen ka hor uu si gaadmo ah ku dilay askari lagu magacaabayay Maxamed Yare, kana qaatay qorigiisa.

Ciidamada Nabadsugida ayaa dabagal ku hayay ninkan gacan ku dhiiglaha ahaa, waxaana uga dambeyn suura gashay in xalay gacanta lagu soo dhigo, kaddib howlgal.

Muddooyinkii u dambeeyay Ciidamada Nabadsugida Jubbaland ayaa howlgalo ka waday magaalada Kismaayo, iyadoo todobaadyo ka hor gacanta ku soo dhigay shabakad falal amni daro ka waday magaalada oo dilal ka geysatay, qaraxyana soo geliyay magaalada.

Related posts

Xaaf oo shuruud ku xiray shirka Berri ka furmaya Muqdisho & Xaalad ka taagan Cadaado [Akhriso]

admin

War Cusub Baarlmaanka oo Maanta Wasiir ku Dhagan,,,,,,,,,,,

admin

Dhagayso Askarti kenya loga qabtay Dagaalka Ceel Cade oo sir badan fashiliyay.

admin