Nabadoon Caan Ahaa Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Dabley hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in Xalay Nabadoon caan ahaa ku Toogteen Isgoyska Bakaaraha ee magaalaad Muqdisho.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Nabadoon Xuseen Kuulow, waxana Rag ku hubeysnaa Bistoolado ay ku dileen Isgoyskaasi.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Nabadoonka marka hore dhaawac ahaan loogu qaaday goobtaasi, balse uu Geeriyooday intii loo sii waday Isbitaalka .

Wararka qaar ayaa sheegaya in Nabadoon Kuulow uu ka mid ahaa Ergadii Xildhibnada Baarlamaanka ku soo dooratay HirShabelle.

Ma jirto illaa iyo hadda cid shegatay masuuliyadda dilkaasi, iyadoona kooxdii ka dambeysay ay goobta isaga baxsatay.

Maalmihii dambe ayaa waxaa maagaalada Muqdisho ka dhacayay dilal qorsheysan iyo qaraxyo, kuwaas oo qaar kood ay sheegteen Al Shabaab.