Animation

Madaxweyne kuxigenka Galmudug Oo Booqday Goobo Bulshada Loogu Adeego

no responses
Tuesday November 10, 2015 - 12:11 under Top News by admin
mqdefault
Spread the love

09 Nov 2015 – Madaxwayne ku Xigeenka Dawlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo ay weheliyaan Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dawlad Galmudug iyo maamulka Degmada Balanbale ayaa maanta dhagax dhigay Guriga martida ee degmada Balanbale.

Madaxweyne ku Xigeenka iyo Waftigiisa ayaa sidoo kale booqasho maanta ku tagay Xarunta garsoorka Degmada, Iskuulka Sare ee Degmada Balanbal, Guraga Haweenka Degmada iyo Kuleej dhismihiisa uu waqtigaasi socday oo loogu tala galay in lagu daryeelo laguna koriyo Agoomaha ku dhaqan magaalada Balanbal.

Booqashada Waftigan ay ku sameeyeen xarumaha bulshada ee degmada Balanbal ayaa aheyd mid masuuliyiinta inta badani ay socod ku tagayeen goobaha ay booqanayeen waxaana Xarumaha ay booqdeen ay ahaaeen kuwa uu ka muuqda burbur baahsan iyo kuwa u baahan dayactir.

Xarunta Cadaalada iyo Garsoorka ayaa ka mid ah meelaha burbursan uu ka muuqday waxaana markii halkaasi ay booqashada ku tageen waftiga ka socday Dawlada Galmudug waxaa ugu warbixiyay Gudoomiyaha degmada Balanbale Hareeri Xasan Barre oo tilmaamay in xaruntu ay kamid tahay meelaha ku bur burtay dagaaladii ka dhacay Degmada 1982.kii ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Ethiopia.

Madaxwayne Ku xigeenka iyo waftigiisa ayaa sidoo kale booqday Iskuulka Sare ee degmada Balanbae waxaana ay halkaasi ku wareysteen Macalimiinta iyo Ardaga wax ka barata iskuulkaasi.

Waftiga ayaa sidoo kale booqashada ku tagay xarun Kuleej uu dhismihiisu waqtigaasi socday waxaana waftiga oga warbixiyay Gudoomiyaha degmada Balambal baahida iyo duruufta keentay in la sameeyo kuleejkaas.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dawladaha hoose Mudane Jaamac Xassan Salaad Sheelare oo ka hadlay ayaa sheegay in ay ahmiyad u leedahay Galmudug adeegyada lagu hormarinayo degmada.

Madaxwayne ku Xigeenka dawalada Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi ayaa dhankiisa ka warbixiyay kormeerka ay ku mareen xarumaha Bulshada Degmada Balanbael waxaana uu sheegay in dawladu ay xil iska saari doono wax u qabadka bulshada Galmudug.

balan-bale (2)balan-bale (3)balan-bale (5)balan-bale (6)balan-bale (9)balan-bale (10)balan-bale (11)balan-bale (12)balan-bale (13)balan-bale (14)balan-bale (15)

Facebook Comments