M/weynaha Galmuudg oo Baarlamaanka ka Codsaday Ansixinta Golehiisa Wasiirada

0
Abdikariim Guuleed, oo ku jahwareersan soo dhisida maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo Xalay ku dhawaaqay Golehiisa Wasiirada ayaa Baarlamaanka Maamulkiisa ka Codsaday in ay si deg deg ah u Ansixiyaan Golaha Cusub ee Wasiirada Maamulkaasi.

C/kariin Guuleed ayaa sheegay in uu soo Magacaabay Gole Wasiiro Aqoonyahano ah oo wax ka qaban kara Xaalada ka jirta Gobolada Dhexe ee Dalka islamarkaana Awood u leh in ay Heshiisiiyaan Beelaha Dega Gobolada Dhexe.

Madaxweynaha Maamulka galmudug ayaa sidoo kale sheegay in Wasiirada looga fadhiyo in ay ka shaqeeyaan Dib u heshiisiinta si looga gudbo Caqabadaha yar yar ee hada jira.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Xalay ay u suuro gashay in uu soo magacaabo Gole Wasiiro ah,inkastoo uu la soo daahay.