Top News

Muxuu Waare kaga duwanaaday Madaxda maamul goboleedyada Kadib kulamadii Garowe?

Kulankii ka dhacay magaalada Garowe kadib madaxda maamul goboleedyada ayaa dib ugu laabtay deegaanada caasimadda u ah si waxyaabaha looga hadlay shirkii ka dhacay magaalada Garowe ay ula wadaagaan xubnaha ay isla shaqeeyaan.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaanan ku hakan magaalada Jowhar oo caasimad u ah maamulka Hirshabeelle, waxaana diyaaradii uu la socday ka haray guddoomiyaha baarlamaanka iyo xildhibaano la socday, iyadoo isla diyaaradda ay Waare usoo gudbisay magaalada Muqdisho.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Waare  uu usoo gudbay magaalada Muqdisho sabab la xiriirta kulamo kale gaar ah oo uu doonayo inuu la yeesho madaxda dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Waare uu doonayo in madaxda dowladda Soomaaliya uu kala hadlo kadib heshiiskii ay la galeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle, inaysan helin dhaqaalo badan oo loo balan qaaday.

Waare ayaa ka duwanaaday madaxdii maamul goboleedyada ee ka qeyb galay munaasabadii ka dhacday magaalada Garowe, sababtoo ah madaxda maamul goboleedyada ayaa dhamaan dib ugu laabtay caasimadaha maamul goboleedyada, laakiin Waare ayaa usoo gudbay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Waare ayaa la sheegay in hadda uu ka dagay culeesaadkii baarlamaanka, balse waxaa jiro culees siyaasadeed u dhaxeeyay isaga iyo madaxda maamulka Hirshabeelle.

Related posts

XOG XASAASI AH: Axmed Madoobe Oo Hal Arin Ka Diiday Farmaajo iyo Madaxdii Ku Shiray Garowe

Mohamed Abdirashid Abaajo

Madaxweyne Axmed Madoobe oo sheegay halka ay ku sugan yihiin Hogaamiyeyaasha Al shabaab

admin

DEG DEG: Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada oo toogtay Seddex kamid ah Dableey Weerar ku….

admin