Animation

Muxuu Madaxweyne Trump kala noqdey shirka G20 ee soo dhamaadey???

no responses
Sunday July 9, 2017 - 3:52 under Breaking News by Kaafi
mqdefault

SIda lagu soo waramayo Madaxweyne Trump-ka mareykanka ayaa waxaa uu joojiyey shirkii jaraa’id ee uu qaban lahaa kadib kulankii G20 ee Jarmalka ka dhacay.

Kadib markii uu kulan la qaatey madaxweynaha Shiinaha ayuu madaxweyne Trump ka duuley halkaasi,
Kadib dhoofitaankiisa Trump ayaa waxaa uu sheegey in uu si weyn ugu kalsoonyahay kulamadii uu la qaatey Madaxweynaha shiinaha oo uu sheegey in ay ka wadda hadleyn arimaha Nukliyerka waqooyiga Kuuriya.

Xi Jinping Madaxweynaha shiinaha ayaa isagana dhinaciisa sheegey in xasiloonida iyo wadana noolashaha dunida ay wax badan ka tareyso xiriir wanaagsan oo ay Mareykanka iyo Shiinaha wada yeeshaan.

Ugu danbeyn marka laga soo tago kulanka uu Trump la yeeshey madaxweynaha Shiinaha waxaa uu sidoo kale kulamo la qaatey hogaamiyeyasha dalalka Britain iyo Indonesia.