Breaking News Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Qaahira ee dalka Masar

Wararka ka imaanaya magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa sheegaya in muwaadin Soomaali ah lagu dilay dalkaas, iyadoo ciidamada ammaanka dalka Masar ay dad badan u soo qabteen.

Sida ay wararku sheegayaan muwaadinka la dilay ayaa da’diisa lagu qiyaasay 16 jir, waxaa lagu dilay Xaafada Suuq-Sayaaraad ee degmada Nasri ee magaalada Qaahira.

Meydka wiilkan ayaa la geeyay Isbitaal ku yaala degmada Nasri, waxaana socda baaritaan ku aadan sababta loo dilay.

Ciidamada Ammaanka Masar ayaa gacanta ku dhigay illaa 40 ruux oo Soomaali isugu jira wiilal iyo gabdho oo ku sugnaa guriga uu degenaa wiilka la dilay.

 

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in aan meydka la aasi doonin, illaa gacanta lagu soo dhigo cidii ka dambeysay dilka.

Dilkii xalay ka dhacay degmada Nasri ee magaalada Qaahira ayaa saameyn ku yeelatay Soomaalida ku nool halkaas, waxaana dadka ugu badan ee loo soo qabtay dilkaas la sheegay inay guriga la degenaayeen wiilka la dilay.

Related posts

(SAWIRRO) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Dalka Muzembique oo oga qayb galey Shirka Sanadlaha ah ee Bangiga islaamka

admin

Dhagayso:- Waraysi k24 Qaban Qaabada Shirka Madasha Kismaayo iyo Qaban Qaabadii u dambeysay

Tifaftiraha K24

TOP NEWS” Dhageyso: Gudoomiyaha Baraawe oo Markale isku day Dil ka Bad baaday iyo Ninkii Weerarka Soo qaaday oo la…

admin