Animation

Muwaadin Somali Canadian ku xiran Ethiopia oo la sii dayn doono.

no responses
Friday October 16, 2015 - 11:59 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Bashir Mukhtal Dahir oo ah Muwaadin Somali ka soo jeeda Soomaalida deggan Kilinka Shanaad ee Ethiopia ayaa lagu tala jiraa in loo soo masaafuriyo dalka Kanada, si uu ugu dhamaysto muddada uga harsan Xukunkiisa.

Tallaabadan ayaa soo baxday, kadib, markii ay Wasiirka Dibedda Kanada, Rob Nicholson iyo Wasiirka Ammaanka Dadweynaha,Steven Blaney qalinka ku duugeen qorshaha Xabsi-wareejinta ee Eedeysane Makhtal Daahir.
Garyaqaanka Makhtal Daahir oo lagu magacaabo Lorne Waldman ayaa sheegay in la filayo in Makhtal Daahir lagu soo celiyo dalka Canada inta uusan dhamaanin sannadkan 2015-ka.
Waxa uu intaasi ku daray inuu Makhtar Dahir xukunkiisa ku dhamaysan doono Xabsi ku yaalla gudaha Canada.
Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Canada ayaa qoray in laga yaabo inuu Makhtal Daahir oo bukaan-socod ah Xabsiga Canada ku dhamayto xukun shan sanno oo u harsan.

Muwaadinkaasi Somali Canadianka waxaa sannadkii 2006-dii lagu qabtay xuduudka Kenya, waxayna Dowladda Kenya u gudbisay Dowladda Ethiopia.
Sannadkii 2009-kii, Maxkamad ku taalla caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba waxay Mukhtar Dahir ku eedeysay inuu xubin firfircoon ka yahay Jabhadda Xorreynta Ogaadeeniya ee ONLF iyo Kooxaha Argagixisadda.

 

Facebook Comments