Animation

Muuqaal:- Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Puntland oo la xisaabtameysa hay’adaha Fulinta Puntland

no responses
Thursday November 19, 2015 - 7:54 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasaaradda Qorsheynta dowladda Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay ku mashquulsaneyd shirar la xiriira la xisaabtanka hay’adaha Dowladda si dig u eegis loogu sameeyay bisha December ee soo socota wax ka qabadka qorshayaashii la dejiyay.

Kulan ka dhacay xarunta wasaaradda ayaa waxaa ka qeyb galay 12 wasaaradood oo ay wasaarrada qorsheynta kala shireysay dib u eegis iyo isla xisaabtan lagu sameeyo qorshayaashii ay degsadeen,

Siciidi Faarax maxamuud Wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorsheynta dowladda Puntland ayaa sheegay in shirarka ay wado wasaaradda ay ugaga golleedahay u diyaar garowga shirka dhici doonta bisha December ee ah isla xisaabtanka dowladda ,

Waxa uu sheegay in ay kulan la yeesheen 12 wasaaradood oo ah qeybta dhaqaalaha, waxsoo saarka iyo weliba kuwa ka shaqeeya qeybaha nolosha waasida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu wasiirku intaas ku daray in qorshihii 2015 ee ay degsadeen wasaaradaha ay dib u fiiriyeen ka dibna ay yeereen wasaaradaha si ay isula fiiriyaan ayna ka xaqiijinayeen qorshayaashaas in ay ugu hirgaleen sidii la rabay, in ay wax ka bedel u baahan yihiin iyo in ay wax ka dhimanaayeen,

Gaba gabadii Wasaaradaha dowladda ayaa dhankooda ka qeyb qaadanaya qorshayaasha iyo shirarka wasaaradda qorsheynta dowladda iyagoo kala shaqeynaya wax kasta oo ay wasaaradda u baahan tahay islamarkaana la soo shirtageyso bisha xiliga la xisaabtanka guud ee wasaaradaha,