Breaking News Somali News Top News

MUUQAAL K24: Musharax Madaxweyne Shiikh Shariif oo Markii ugu horeysay Weerar Culus ku qaaday Xasan Shiikh Muxuuse ku eedeyay???

Magaalada Muqdisho waxaa maanta dib ugu soo laabtay madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ah musharax u taagan in Markale kursiga Madaxweynaha uu ku soo laabto.

Sheekh Shariif oo maalmihiila soo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho. Markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha waxaa loo galbiyay hoyga uu ka degen yahay magaalada Muqdisho halkaasi oo uu warbaahinta kula hadlay.

Shariifka ayaa si kulul uga hadlay Marxalada dalka uu hada Maraayo Isagoo eedeyn kulul usoo jeediyay Madaxda Dowlada Federaalka si gaar ah Madaxweynaha oo u ku eedeyay in Dalka Marxalad halis ah u horseeday.

Shariif wuxuu kaloo Madaxda Dowlada ku eedeyay in ay Masuul ka yihiin Dib u dhacyada ku imaanaya Markasto Hanaanka doorashada waxaana uu sido kale shaaciyay in Amniga Xamar uu faraha ka baxay.

Halkaan Hoose ka daawo Shirka Jaraa’id oo Dhameystiran

 

Related posts

Dowlada Somalia oo beenisay hadalkii ka soo yeeray Wasiirada Arimaha Dibada Kenya

admin

Shirka Golaha Wasiirada oo markii u horeysay todobaadkan ka dhacaya meel ka baxsan Muqdisho

admin

TOP NEWS: Madaxweyne Obama “Waan sii wadi doonaa Weerarad Droneska ee ka dhanka ah Ururka Al Shabaab maadaama ay khatar ku yihiin danaha Mareykanka ee Gobolka ”

admin