Musharixiinta doorashada guddoomiyaha Baarlamanaka oo Muqdisho ma wada Ol’lihii ugu dambeeyay ee Doorashada

0

Musharixiinta ku tartameysa doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka oo Muqdisho ka wada Ol’oalhii ugu dambeeyay ee doorashada Xili saacado kooban ay ka harsanyhii cod bixinta doorashada guddoomiyaha baarlamaanka federaalka soomalia.

Hotellada Muqdisho waxaa ka socda kulamo gaar gaar ah oo musharixinta ay kusoo jiidanayan xildhibaanada baarlamaanka waxaa la dareemaya guux siyaasaddeed oo ku aadan doorashada iyo shaqsiyaadka loo maleyn karo in ay guulleystaan.

Ol’olaha ugu xooggan waxaa uu dhici doona caawa saq dhexe markaasi oo musharixiinta ay doonayan in xildhibaan kasto uu hoygiisa ku noqdo isagoo maanka ku heysta musharaxa uu berri codkiisa siin doonto.

Doorashada waxaa ku tartami doona illaa 11 musharax oo dhamaantood xildhibaano ah qaarkoodna ay iska soo casileen xilal wasiiro iyo wasiiru dowlayaal Waa tiradii ugu badneyd ee abid isku soo sharaxda tartanka loo galayo xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Waa mid adag doorashada marka loo eego tirada musharixiinta iyo Ol’olaha xooggan oo ay wadaan kooxda musharixiinta u qaabilsan Kaambeynka iyo Ol’oalaha doorashada weyna adagtahay in laga sii xog waramo ama la saadaaliyo musharaxa ku guulleysan kara doorashada guddoomiyaha baarlamaanka.

Doorashada ayaa waxaa lagu casuumay oo korjoogto ka noqon doona guddoomiyaha Aqalka Sare,guddoomiyaha Maxkamada Sare iyo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Madaxa banaan ee qaranka.