Animation

Musharaxnimada Cumar Cabdirashiid oo Dhabarjab Ku Noqotey Damaca Madaxweyne Xasan Shiikh

no responses
Friday September 9, 2016 - 2:41 under Breaking News by admin
mqdefault

Inkasta oo muddo dheer la sadaalinaayey in Cumar Cabdirashiid uu kamid noqon doono musharixiinta doorashada Madaxweynaha Soomaaliya 2016 ayaa lama filaan noqotey xiliga iyo qaabka uu ugu dhawaaqey oo ahayd saacado ka hor shirkii Madasha Hoggaanka Qaranka oo ah kii u danbeeyey ee ay Muqdisho ku yeeshaan, iyo shir saxaafadeed uu u qabtey saxaafadda halka Musharixiinta kale ay Hoteelo ijaartaan oo ay casumaan dad kale oo u hadla oo amaan u jeediya. Dad badan ayaa is-weydiinaya sababta jawiga hooseeya uu Cumar Cabdirashiid ugu dhawaaqey Musharaxnimadiisa, Dadka ku dhaw xafiiska raysalwasaaraha ayaa sheegaya in ay arrintaani ahayad mid uu ku talo galay oo kamid ah istraatiijiyadiisa, maadaama uu weli yahay raysalwasaare, muhimadda ugu weyna ay ahayd in shirka Madasha ee u danbeeyey uu fariisto isaga oo Musharax ah.

Khudbadii uu ku shaaciyey musharaxnimadiisa, ayaa u muuqatey mid uu si weyn ugu weeraray Madaxweynaha hadda talada haya Xasan Shiikh Maxamuud, oo saddexdii sano ee u horeysey ee muddadiisa la daalaa-dhacaayey xasilooni darro siyaasadeed.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in Soomaaliya u baahan tahay Xasilooni Siyaasadeed, taas oo dadka siyaasdadda falanqeeyaa ay sheegayaan in ay ahayd fariin toos ugu socotey Madaxweyne Xasan Shiikh oo lagu bartey siyaasad xasiloono ka dheer, waxyaabaha ugu weyn ee lagu xusi karo xasilooni daradii doorashadii 2012 kadib waxaa ka mid ah:

Wax ka beddelka dastruurka oo ahayd mid aan lagu heshiin.
Khilaafkii raysalwasaarihiisi u horeeyey Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
Maroorsiga awoodda Xukuumadda.
Carqaladdii dhismihii maamulka Jubaland.
Khilaafkii Rayslwasaarihiisi labaad Cabdiweli Sh. Ahmed kaas oo qaatey in ka badan 6 bilood.
Khilaafkii maamulka Ahlu-sunnah ee ahaa kuwii casharka u dhigay al-Shabaab.
Dhismihii Galmudug oo aan laga qayb-gelin Ahlu-sunnah isla markaana ahaa mid khiklaafsan dastuutrka oo dhigaayey laba gobol iyo ka badan.
10 bilood oo jaahwareer ah oo ka taagan dhismaha maamulka labada gobol ee harsan oo Gobolka Hiiraan ku eedeynayo in Madaxweynuhu doonayo in wax u dhacaan sida u rabo
Khilaafka aan dhamaan ee Madaxweynaha iyo maamuladii Puntland xiligii Faroole iyo kan Gaas.
Beesha caalamka oo u aragtey Madaxweynaha qof aan la isku haleyn karin kadib fadeexadii Yusra Abraar ee baniga, taas oo kaliftey in aan Soomaaliya la siin deeqdii loo ballan qaadey.
Arrimahan kore oo dhan ayaa ahaa kuwo u baahnaa khibrad siyaasadeed iyo xasilinooni siyaasadeed in lagu wajaho taas oo aan dhicin, isla markaana sababtey in giraanta siyaasadda ee dalku ay dib ugu noqotey halkeedi.

Doodda Cumar Cabdirashiid ee khudbadiisi koobneyd ayaa u muuqatey maadaama Xasan Shiikh Maxamuud la doortey isaga oo aan wax khibrad siyaasadeed ah aan lahayn, mirihii laga dhaxley ay noqotey jug-jug meeshaadi joog, ee markaan loo baahan yahay qof khibrad u leh hawlaha Dowliga ah oo isbeddel ku yimaada.

Cumar Cabdirashiid oo xilka Raysalwasaaraha hayey muddo sanad iyo bar ah ayaa khudbadiisa ku sheegay in muddadii uu xilka hayey ay ahayd in kooban taas oo ay u qabteen hawl aad u weyn oo ay uga gudbeen xasilooni siyaasadeed.

Musharaxa xilka Madaxweynaha Soomaaliya Cumar Cabdiashiid ayaa sheegay si dalku horumar ku gaaro waxyaabaha dhimana loo qabto loo baahan yahay xasilooni lagu shaqeeyo, ama ha ahaato amni ama ha ahaato mid siyaasadeed si loo dhamaystiro hawlaha qabyada ah, si sanadka 2020 loo garo doorasho xor ah.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in dalku aanu dib ugu baahneyn is-qab-qabsi kale iyo jaah wareer wakhtiga ka rida ee uu u baahan yahay xasilooni.

Musharaxa xilka madaxweynaha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in uu lee yahay khibrad ku filan oo uu dalka ku hoggaamin karo gaarsiin karo himilooyinka loo baahan yahay kaas oo deeqa dhamaan ummadda Soomaaliyeed ayna iska wada dhex arki karaan.

Musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2016 ayaa ah kuwo aad u badan, waxaana kamid ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif oo aan weli Muqdisho tegin isla markaana ay haystaan caqabado badan sida la sheegayo. Waxaa ilaa hadda ugu miisaan cuslaa Madaxweynaha hadda xilka haya Xasan Shiikh Maxamuud oo la filan karo in uu haysto dhaqaale uu doorasho iyo tartan ku galo, isaga oo ka faa’idaysanaya fursadda uu haysto.

Tan iyo markii Cumar Cabdirashiid ku dhawaaqey in uu yahay Musharax waxaa durba isbedeley jawiga Villa Soomaaliya, waxaana dad ku dhaw xafiiska Madaxweynuhu sheegayaan in culeys weyn uu Madaxweynaha fuuley, maadama Cumar Cabdirashiid yahay Raysalwasaare weliba khibrad siyaasadeed leh.

Madaxweynaha ayaa habeenkii xalay soo saarey wareegto wax looga qabanayo in qalinka iyo hantida Dowladda loo isticmaalo magac siyaasadeed, waxaana la aaminsanaa in madaxweyne Xasan Shiikh uu yahay qofka ugu horeeya ee magaca Dowladeed uga faa’ideysanaya in mar-labaad la doorto, taas oo ay ku eedeeyeen Musharixiinta kale ee badan, waxaana la isweydiinayaa waxa ku soo beegay wareegtadan iyo Musharxnimada Cumar Cabdirashiid.

Fursadda Cumar Cabdirashiid haysto ayaa la sheegayaa in ay tahay mid weyn, dadka yaqaana ayaa ku tilmaama nin saaxiibtinimida qiimeeya, samaysta xulofo siyaasadeed, xiriir wanaagsan la leh dhamaan Dowlad Goboleedyada dalka ka jira madaxdooda. Waxa uu ka shaqeeyey xalinta khilaafaad badan oo dalka ka jirey ama deminta colaado abuurmey labadii sano ee u danbeysey, muddadii danbe ee uu ahaa raysalwasaaraha ayuu ku shaqeeyey si deganaansho ah oo aysan jirin colaad siyaasadeed oo ka dhan ah oo abuurantey, sida ku dhacdey raysalwasraayaashii ka horeeyey.

Dhanka Xukuumadda uu hoggaaminaayey ayaa sidoo kale ahayd mid aysan soo bixin isku dhacyo iyo khilaafaad dhex-dooda ah, waxaana mid kamid ah Golaha Wasiiradu uu ku tilmaamey in uu yahay Xabag (Glue) isku haya Xukuumadda, Baarlamaanka iyo weliba Madaxtooyada.

Dhanka Beesha Caalamka ayuu la lee yahay xiriir wanaagsan waxaana lagu tilmaamaa Diblomaasi siyaasi ah.

Cumar Cabdirashiid ayaa laba jeer soo noqdey raysalwasaaraha Sooomaaliya, sidoo kale waxa uu noqdey safiirkii u horeeyey ee Soomaaliya u fariista dalka Maraykanka muddo 24 sano kadib, Waxa uu ku soo bar-baarey guri Dowladeed, aabaha dhalay waxa u ahaa raysalwasaarihi u horeeyey ee Soomaaliya iyo Madaxweynihii u danbeeyey ee la doorto, Dr. Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo la diley 15 Oktoober 1969 isaga oo booqasho ku maraya gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.

Haddaba waxaa la is-weydiinayaa Cumar Cabdirashiid ma raaci doonaa raadkii Aabihiis Cabdirashiid Cali oo noqdey Raysalwasaare kadibna Madaxweyne.

Hussein Farah
HM