Somali News

Musharaxiinta Maamulka Jubbaland Oo Ka Soo Horjeestay Dalab Uu Gudbiyay James Swan.

James swan oo shalay Magaalada Kismaayo kula kulmay Madaxweynaha Jubbaland ayaa Codsaday in waqti kordhin lagu sameeyo Is diiwaangelinta Musharaxiinta Madaxweynaha si ay isugu Diiwaangeliyaan Musharaxiinta aan weli is diiwaangelinin.

Musharaxiinta Jubbaland ayaa sheegay in aad uga xun yihiin in Guddiga Doorashooyinka aysan wax tixgelin ah dheeri ah siinin Musharaxiinta,isla markaana ay ku mashquulsan yihiin howlo kale oo dan u aheyn geedi socodka Doorashada.

War-saxaafeed ka soo baxay Kudlada musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa ay ku sheegeen in marna aysan aqbali doonin in dib loo furo Is diiwaangelinta Musharaxiinta,iyagoo xusay in Guddiga iyo Maamulka Jubbaland ay danno gaar ah ka leeyihiin howlasha Doorashada.

Hoos ka Akhriso War-saxaafeedka Kudlada musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland.

Related posts

Xasaasi: Mooto laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo Ciidamada NISA ay goordhaw ku qabteen Dagmada…..

Tifaftiraha K24

War cusub: Ku dhawaad 20 hogaamiye oo shabaab looga dilay duqeyn ka dhacday gobolka gedo iyo qaar kamid ah magacyada hogaamiyeyaasha oo la helay

Tifaftiraha K24

Qurba-joogta Puntland ee Finland oo Casho Sharaf u Sameysay Wasiir ku Xigeenka Maaliyada ee Maamul Goboledka Koonfur Galbeed (Sawiro)

admin