Animation

Musharaxa Muslim Naceybka ku Caanbaxay Donal Trump oo Markale ku Dhawaaqay Hadal aad u xun oo Gilgilay Bulshada Soomaliyeed ee ku Nool Wadanka Mareykanka Kadib Markii uu ku tilmaamay in ay Yihiin…..

2 responses
Monday November 7, 2016 - 8:46 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Murashaxa madaxtinimada Maraykanka ee ku Caanbaxay Muslim Naceybka Donald Trump ayaa isu soo bax uu ku qabtay gobolka Minnesota ee Soomaalida ay ku badan yihin waxa uu taageerayaashiisa u sheegay in Gobolkooda qaxootiga soo degay ee Soomaalida ah ay gaystaan dhibaatooyin xagjirnimo wata.

Trump ayaa sheegay in Soomaalida Qaxootiga ku ah dalka Maraykanka ay yihiin kuwo aan lahayn aqoon, xirfad iyo sidoo kale kuwo u nugul la shaqeynta Daacish.

Wuxuu tilmaamay in Soomaalida ay yihiin musiibo Maraykanka gacantiisa ku sameystay, taasi oo uu kala jeeday magangalyo siinta qaxootiga.

“Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Minnesota waa musiibo soo gaartay Maraykanka, ma shaqeystaan, wax ma bartaan, kaliya halkaan bay iska joogaan, waxay la shaqeeyaan Daacish, marka waa dhibaato aad u weyn” ayuu yiri Donald Trump.

Ugu Dambeyn Musharaxa Islaam Naceybka ku Caanbaxay ee Trump ayaa ku goodiyay hadii uu isaga noqdo Madaxweynaha Dalka Mareykanka in Go’aan adag uu ka soos aari doono Qaxootiga Soomaliyeed ee Wadanka Mareykanka ku nool iyo kuwa doonaya in wadankaasi ay galaan taasi oo dhibaato horleh ku ah Bulshada Soomaliyed ee Mareykanka ku Nool.