Somali News

Musharax Cabdi Raxmaan Odawaa oo ka hadlay Dagaal ka dhacay Gobolka Mudug

dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay deegaan lagu Magacaabo ina Diideey oo ku yalla duleedka Bari ee degmada Afbarwaaqo,waxaana dagaalkaas ku geeriyooday in kabadan 15 ruux.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ah Musharax u taagan xilka Madaxtinimada Galmudug ayaa ku baaqay joojinta dagaalkaasi, waxaana maamulada iyo dowladda ay uu ku baaqay in ay tilaabo qaado.

Waxaan baaq nabadeed u dirayaa dadka ahalka ah ee dagaaladu ku dhax mareen deegaanada Afbarwaaqo iyo Towfiiq.Waxaan xasuusinayaa in colaadda aan ciduna ka faaideeyn, oo aan ku wada khasaareyno, Maamulada u dhaw iyo dadka deegaankaba waxaan ugu baaqayaa in dhibkaas lagu baxo lana qaboojiyo” ayuu yiri Xildhibaan Odawaa.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaannada lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegayaan in weli halkaasi colaada laga dareemayo,isla markaana markasta la filan karo in uu dagaal dhaco.

Related posts

DHAGAYSO:- Maamulka Galmudug Oo Ciidamo u Direy Beelo Ku Dagaalamay Galgaduud.

Ahmed sudani

Wax badan ka Ogow Safarki Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland uu ku tagay Ceelwaaq.

admin

War Hada ah: Maxaadan Ogeyn oo Hawey nka Muhiim u ah oo Muqdisho lagu qabtay+Sawirro

Tifaftiraha K24