Animation

Mushaarkii ciidamadda oo la waayay & Labo Dowlad oo MD Farmaajo ubuuxinaya Booskii Sacuudiga & Imaaraadka

no responses
Monday July 10, 2017 - 6:36 under Arimaha Bulshada by nairobi
mqdefault
Spread the love

Dowladda Turkey iyo Qatar ayaa dadaal ku bixinaya iney dowladda Soomaaliya siiyaan lacag malaayiin dollar ah kadib markii ay weysay dhaqaalihii uga imaan jiray dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Bishii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaanan wax lacag ah ka helin wadamadan Carabta kuwaas oo qeyb weyn ka qaadan jiray mashruucyo Muqdisho ka socday oo ay kamid yihiin bixinta mushaaraadka ciidamada Soomaaliya qaarkood gaar ahaan kuwa xasilinta wada.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii ay dowladda Soomaaliya diiday iney xariirka ujarto dalka Qatar, waxaana madaxda dowladda ay sheegeen iney arintaas dhex dhexaad ka yihiin.

Si kastaba, si dhaqaalo xumadaan ay uga gudubto dowladda Soomalia ayaa dalalka Turkey iyo Qatar waxaa ay bilaabeen iney lacago Kaash ah ugacan geliyaan dowladda Soomaaliya si ay uga fuliyaan arimaha muhiimka ah sida bixinta mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha kale ee dowladda.

Lacag la’aanta soo wajahday dowladda ayaa keentay in madaxweyne Farmaajo iyo xukumadda RW Kheyre ay furaan Santuuqa Taakuleynta ciidamada qaranka oo looga gal leeyahay in lacag loogu deeqo ciidamada.

Inkastoo dad badan ay soo dhaweyeeen fikirkaas ah in laga maarmo in ciidamadeena ay dalal shisheeye mushaar ka sugaan hadana waxaa ay muujineysaa in dhaqaalihii dalalkaas uga imaan jiray aanan haatan la hayn

 

Facebook Comments