Somali News

Murugo:-10 sano kadib qaraxii hotel Shaamow ee dadka badan lagu laayey.

Maanta oo kale (3-da December) waa maalin Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho iyo umadda Soomaaliyeedba u ah maalin xusuus murugo leh xambaarsan.

3-dii December ee 2009, ayaa munaasabad qalinjibin ah oo ay ku sugnaayeen arday ka qalin jebinaysay jaamacadda Banaadir, macallimiinta jaamacadda, waalidiin iyo xubno ka socdey dowladii markaas jirtey, oo ka dhaceysay hotelka Shaamow ee Muqdisho, waxaa lala beegsaday qarax xoogan.

Dadka maalintaasi dhintay waxaa ka mid ahaa, suxufiyiin, arday, waalidiin, wasiirkii caafimaadka Khamar, Wasiirka tacliinta sare Ibrahim Caddow, wasiirkii waxbarashada Axmed Cabdulaahi Waayeel, iyo dhaqaatiir caan ah sida Professor Maxamed Aadan oo loo yaqiin Dr. Shahiid.

Dad u badnaa ardaydii qalin jebinaysay iyo waalidiin ayaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray, waxaana magaalada Muqdisho ka socda kulamo loogu duceynayo dadkii ku dhintay qaraxii 10sano ka hor ka dhacay Hoteel Shaamow.

Related posts

Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia oo war qoraal ah ka soo saray..

admin

DEG DEG Raisalwasaraha UK David Cameron oo Iscasilaya….

admin

Dhagayso: Suldaan Garbacune oo K24 uga wamaray halka ay Marayso Nabadaynti Beelaha Caabudwaaq.

admin