Animation

Muranadii Siyaasadeed ee u dhaxeeyey Kismaayo iyo Garbaharay oo wali taagan iyo Xaalad adag oo halkaasi ka jirta.

no responses
Sunday November 22, 2015 - 11:38 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Max’ed Cabdi Kaliil, ayaa si carro leh uga hadlay Siyaasadaha ay isla daadihinayaan Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland iyo Ku xigeenka Hogaamiyaha Maamulkaasi Fartaag.

Maxamed Cabdi Kaliil oo ahaa Gudoomiyihii Gobolka Gedo ayaa sheegay in qorshaha Siyaasadiisu ay tahay inuu sii ahaado shaqsi kasoo horjeeda Siyaasada Maamulka Jubbaland ay ku dooneyso inay ku qabsato Gobolka Gedo.

Maxamed Cabdi Kaliil waxa uu hadalkiisa intaa raaciyay in marnaba uusan raali ka ahaan doonin in Gobolka Gedo laga hirgaliyo Siyaasada Axmed Madoobe waxa uuna tilmaamay in Axmed Madoobe iyo Fartaagba uu Siyaasada uga soo horeeyay sidaa awgeedna aysan socon doonin Siyaasadooda.

Waxa uu sheegay in Axmed Madoobe uu dareensan yahay halka uu ka taagan yahay Khilaafka waxa uuna ku baaqay in uusan meela kale wakhti ku lumin oo uu xaqiiqda la yimaado.

Maxamed Cabdi Kaliil ayaa ka dhawaajiyay in uusan xil ka qaadi Karin Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ku dhawaaqay in la soo afjaray xiisaddii siyaasadeed ee ka aloosneed Gedo.

“ Maamulkii dowladda Federaalka ee aan guddoomiyaha u ahaa ayaa shaqeynaya , aniga waan ka waayo aragsanahay Fartaag iyo Axmed Madoobe, Mana ulahan sharciyad in ay xil iga qaadaan”

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo mudooyinkaani ku sugnaa Gobolka Gedo ayaa ku dhawaaqay in Gobolka maamul mideysan loo sameeyay lana dhameeyay murankii xagga maamulkaas ku aadanaa.

Goordhaw Filo wareysi Dheer oo uu Kaliil Siiyay Shabakadda Kismaayo24 Xafiiskeeda Muqdisho.

Facebook Comments