Somali News

Muqdisho qofkii labaad ayaa laga helay cudurka caronavirus

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa shaacisey in Magaalada Muqdisho laga helay qofkii labaad ee qaba Cudurka Coronavirus ee ku baahay Caalamka.

Shir Jaraa’id oo ay ku qabatay Magaalada Muqdisho ayay Maanta ku shaacisey in Qof Soomaali ah oo ka yimid dalka dibadiisa,kadib baaritaan lagu sameeyey laga helay Cudurka COVID 19.

Waxaa ay sheegtay in qofkaas uusan jirikiisa ka muuqan wax Calaamado ah,hayeeshee Wasaaradda Caafimaadka ay muwaadinkaas Soomaaliyeed ay gacanta ku heyn doonto ilaa iyo inta uu ka caafimaadaayo.

16-kii Bishaan ayaa Wasaaradda Caafimaadka waxaa ay shaacisey in qofkii ugu horreeyay ee Cudurka Coronavirus laga helay Muqdisho kaas oo ka mid ahaa Afar qof oo yimid wadanka Shiinaha.

Related posts

TOP NEWS: Dhageyso Col Warfaa Shiikh Aadan oo ka Warbixiyay Qaabkii uu u dhacay Dagaalkii Ceel-waaq iyo Cida ka Dambeysa…

Tifaftiraha K24

SAWIRRO: Dowlada Federaalka oo Hub iyo Gaadiid loo gacan galiyay Yaase ku Wareejiyay?????

Tifaftiraha K24

XOG: Khilaaf u dhaxeeya Guddoomiyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Cirka isku shareeray

admin