Animation

Muqdisho oo wali kala xiran xili ay dadku u dabaal-dagayaan maalinta koowaad ee Ciida

no responses
Monday September 12, 2016 - 7:11 under Somali News by admin
mqdefault

Dadka Muqdisho ayaa saaka u ciidaya si ka duwan sidii hore, iyadoo waddooyinka muhiimka ah ee isku xira inta badan xaafadaha ay xiran yihiin maalintii afaraad, sababo la xiriira shir madaxeedka IGAD oo lagu wado in maalinta berri uu ka furmo Muqdisho.

Ciidan oo ah Ciidul Adxa ayaa dadka waxay saaka salaada ku dukadeen masaajidada, waxaana aad u yaraa dhaq dhaqaaqa, marka laga hadlayo dadka doonaya inay ku dukadaan masaajidka Isbaheysiga, maadaama aan wax gaadiid ah la ogoleyn.

Sidoo kale dadkii aadi lahaa xaafadaha kale ee qaraaba salaana ama xagal ciidka u aadi laha qoysaskooda degan degmooyinka kale ayaan u suura galeyn, maadaama aysan wax gaadiid ah shaqeyneyn, waddooyinka oo xiran awgood.

Dadka ka fog goobaha dalxiis ee loo damaashaad tago sida Xeebta Liido iyo Beerta Nabadda aysan u suura galeyn inay tagaan, maadaama jidkii ay u mari lahaayeen ay xiran yihiin, balse dadka ka ag dhow goobahaas ayaa si caadi ah u tagaya goobaha dalxiiska.

Xirnaanshaha waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ayaa saameynta ugu ballaaran ku yeeshay dhaq dhaqaaqii ganacsiga iyo isu socodka, waxaana shalay iyo doraad oo loo diyaar garoobayay Ciida ay suuqyada ahaayeen kuwo aan u camirneyn sidii horay looga bartay.

Dadka ayaa ahaa kuwo lugeynayay, waxaana waddooyinka lagu arkayay dad raxan raxan u socda oo masaafo dheer u soo maraya meelihii ay daqiiqadaha baabuurta ku tagi jireen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay xirnaanshaha waddooyinka ayaa sheegay in Ciida iyo shir madaxeedka IGAD ay isku soo aadeen, isagoo ka codsaday shacabka inay dulqaataan inta uu ka dhacayo shir madaxeedka IGAD oo uu xusay inay tahay taariikhda markii ugu horeysay oo shir madaxeed dalka ka dhaco muddo 30 sano ka badan, sidaas darteedna ay tahay Guul u soo hoyatay Soomaaliya.

Ugu dabeyntii, hadal heynta dadweynaha ee ay isku weydaarsanayaan ayaa noqotay Ciida iyo Bandow, oo loola jeeday in xirnaanshaha waddooyinka, dadkuna aysan wax isu socod ah sameyn karin si ay uga qeyb qaataan damaashaadka Ciida.