Muqdisho Oo Lagu Qabtay Tartanka Oradka Gaaban.

0

Tartankan Oradka Gaaban ee (Marathon) oo lagu xusayey maalinta horumarinta Ciyaaraha, Nabadda Aduunka iyo maalinta Ciyaartooday Soomaalliyeed ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Waxaa soo qabanqaabiyay Tartanka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Waxaana Martigeliyay Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartankan ayaa waxaa ka qeybgalay Ciyaartooy laga soo kala xulay 17 degmo ee Gobolka Banaadir oo iskugu jira Wiilal iyo Gabdho,kuwaas oo soo bandhigay tartan cajiib ah.

furitaankaTartanka waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxmed Diiriye.

Kaalinta koowaad waxaa galay Cabdinuur Maxamed Garaad oo ka socday wiilasha degmada Kaaraan,halka kaalinta labaadna ay gashey Ikraan Maxamed Xuseen oo ka socotay gabdhaha degmada Boondheere.

Duqa Caasimadda Muqdisho Mudane Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa dhalinyarada ku dhiiri galiyey in ay sii wadaan tartamada.

Ugu danbeyntii Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in laga shaki qabo musuqmaasuq Tartanka ka jiray balse ay u saareyso Wasaaraddu Gudi soo baara.