Somali News Top News

Muqdisho:-Madaxweyne Farmaajo iyo Waft uu hogaaminayo Oo Saacadaha Soosocda ku wajahan Garoowe

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa lagu waddaa in uu saakay u ambaxo Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Waxaa uu xariga ka jari doonaa Mashaariic horumarineed oo uu ka mid yahay garoonka Magaalada Garowe.

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaa looga diyaar garoobayaa soo dhowaynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Jidadka magaalada Garowe waxaa lagu dhejiyey boorar uu kuyaalo Sawirka Madaxweynaha dalka oo Halku dhigiisu yahay “mudane Kusoo Dhowow Dhulka Uduga Puntland’ Barxadda Garoowe oo ah halku ugu caansan Magaalada ayaa waxaa lagu suray oo  layrar aad u qurux badan iyo Calanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqon doona degaano ka tirsan maamulka Galmudug.

Related posts

SAWIRRO:- Axmed madoobe oo ka hadlay mataanaynta Mgaalooytinka Kismaayo iyo Antalya oo ku taala Turkiga

Ahmed sudani

Daawo: Senatorada Galmudug iyo Dowlada Federaalka oo Arin aad Muhiim ah Iska Kaashaday… Tollow Maxay tahay???

Tifaftiraha K24

Daawo: Taliyaha Ciidamada Amisom Gen Subagle oo Booqasho Qarsoodi ah ku tagay saldhigyada Ciidamada kenya ay ku leeyihiin…..

admin