Animation

Munaasabad lagu xusayay Maalinta Cudurka Aidska oo Maanta lagu qabtay magaalada Garowe

no responses
Tuesday December 1, 2015 - 2:04 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Maanta waxaa ka dhacday magaalada Garoowe Caasimadda Dowladda Puntland Munaasabad balaaran oo lagu xusayay Maalinta Cudurka Halista ah ee Aidiska.

Munaasabadda oo ay soo qaban qaabiyeen Hay’adaha ku shaqada leh ee Puntland iyo kuwa Caalamiga ah ayaa waxaa ka qeyb galay dad la nool cudurka kuwaas oo hadallo ka jeediyay xafladda.

Sidoo kale dad isugu jira Waxgarad Culimo iyo weliba masuuliyin ayaa wacyi gelin arrimaha cudurkaas la xiriri ka soo jeediyay goobta munaasibadda lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee AIDS-ka aduunka, waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin dowladda Katirsan.

Agaasimaha Hay’ada ladagaalanka AIDS-ka Puntland ee PAC, DR Cabdiraxmaan Siciid Yuusuf (Dhegaweyne), ayaa ugu horayn ka hadlay saamaynta cudurku kuyeeshay Puntland, isagoo sheegay in Hay’adiisu dadaal weyn ugu jirto sidii ay ula dagaalami laheyd cudurka kana wacyi gelin laheyd Bulshadeeda.

Gaba gabadii kulanka masuuliyiintii hadalada ka jeediyay waxa ay ugaga digeen bulshaweynta Puntland iyo guud ahan Soomaaliyed in ay faquuqaan dadka la nool cudurka iyagoo ka wacyi geliyay in aay taasi ku dhaqaaqaan islamarkaana aanay wanaagsaneyn.

Facebook Comments