Somali News

Mudo kadib degmada Shangaani oo gudoomiye degmo loo magacaabay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa guddoomiye Cusub u Magacaabey degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir,kaddib markii Guddoomiyihii degmadaas ay ku geeriyootay qarixii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Duqa Muqdisho ayaa waxaa Guddoomiyaha degmada Shangaani loogu Magacaabey Aweys Camuudi kaas oo lagu bedelay Sahra Markeyzi oo kamid aheyd Guddoomiyeyaashii ku geeriyooday 24-kii Bishii July qarixii ka dhex-dhacay Xarunta Maamulka  Gobolka Banaadir.

Qaraxaas ayaa sidoo kale waxaa ku geeriyooday Guddoomiyihii Gobolkan Banaadir Eng, Cabdiraxmaan Yariisow,Guddoomiyeyaashii degmooyinka,Waaberi iyo Cabdul Casiis,kuwaas oo la filayo in dhawaan Guddoomiyeyaal Cusub loo Magacaabo.

Related posts

Daawo Maxaabiis Soomaali Kuna Xirnaa Dalka Yemen oo la siidaayay.

Sakariye Sakariye

Dhagayso:- Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cameey " Xukumadayada Waxyaabo Farabadan oo Hormarka kamid Tahay ayeey samaysay

admin

Daawo Sawirrada: Qarax ay ku dhinteen Ugu yaraan 100 Ruux oo ka dhacay Koonfurta Magaalada….

Tifaftiraha K24