Muddo 40 Sanno Kadib Diyaaradda Itoobiya oo Duulimaad ka bilaabeysa Muqdisho

0

Duulimaadkii ugu horreeyay muddo 40 sanno ah kadib ayey diyaarad ay leedahay itoobiya ku imaan doontaa Magaalada Muqdisho todobaadka soo socda.

Duulimaadkaan ayaa Noqon doona Mid Ganacsi ( Commercial Flights ) waxaana Diyaaraddaan ay todobaadkii seddex jeer ay duulimaad ka sameyn doontaa Muqdisho iyo Addis Ababa.

1977 ayey Dowladda Soomalia Joojisay duulimaadyadii Ganacsi ee Muqdisho iuo Addis Aba isaga kala gooshi jiray kadib Dagaal labada dal dhexmaray

Diyaaradda Itoobiya sidoo kale waxa ay Soomaalida u fududeyn doontaa safarashada ay wadamada kale ku tagayaan.