Animation

Mudaharaad logu diidan yahay Tacadiga Galmudug ay kula kacday Ugaaska Sade oo Cabudwaaq ka dhacay.

no responses
Saturday October 29, 2016 - 7:56 under Somali News by admin
mqdefault

Magaalada Cabudwaaq ee Bartamaha Somalia waxaa ka dhacay Isu soobax  shacabka reer Cabudwaaq ay ku diidan yihiin  Tacadiga Galmudug iyo Gudiga Doorashada Galmudug ay kula kacday Ugaaska Beesha Sade Ugaas Axmed Barre Takooy.

Banaanbaxaan oo ay ka hadleen Siyaasiyiin,dhaqan,dhalinyaro iyo haween iskugu jiray jifooyinka kala duwan ee Sade  ayaa waxaa lagu mujiyay sida  Beesha Sade bari ay uga xun tahay Xadgudubkii Maamulka Galmudug  iyo Gudiga doorashada Galmudug ay u gaysten Ugaaska Beesha Sade.

Maxamed Cabdilahi Xasan oo ka mid ah Aqonyahanada  ka so qayb  galay Kulankaasi ayaa waxaa uu sheegay in  Galmudug ay noqotay meel  beesha Sade lagu dulmo .

Maxamed asago hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yiri” hadaba waxaan Beesha Sade wax uga taabanaya Tacadiyaada Galmudug ay nagu samaysay 30 ki bari ee ugu danbeyay.

 

1- Maamulka Galmudug waxa uu si aan Cadaaladii ku jirin u maamulay Xubnihii Aqalka sare waxana beesha uu siiyay Saami le,eg  midla la siyay Beesha Duduble

2- Maamulka Galmudug  ee la wada dhisay Ciidamadii lo tababaray laguna qalabeyay  qalabki ummada somaliyeed ay wada lahayd waxaay si cad uga qayb Qateen Duulankii Balicad lagu soo qaaday  waxaayna meeshaas xasuuq ugu  gaysteen Shacab ka tirsan Beesha Maxamed Aman reer,

3- Maamulka Galmudug waxaa uu ku Xadgudbay dhaqankii soo jireenka ahaa ee Beesha Sade waxaana uu Hotelkii uu dagana  ka saaray Ugaaska Beesha Sade  Axmed Barre Cali  Takooy waxa uu sido kale xurmo daro kula dhaqmay  Odayaashii Saxiiixeyaasha ahaa ee dhanka Beesha Sade ka soo jeeday.

4-Maamulka Galmudug waxaa uu bishaan Gudaheeda  dhacay Rashiinkii Dowlada Turkiga ay ugu tala gashay Galmudug oo waqooyiga Galgaduud ay ku lahayd  5000 kun oo kiish.

5- Maamulka Galmudug  waxaa uu  isdaba marin ku sameyay  21 shaqaale ah oo Galmudug oo dhan logu talagalay kuwaas oo musharadkooda ay bixinayso  World Bank.

Dhaman xadgudubyadaan  kor ku xusan Maamulka Galmudug waxaa uu beesha Sade kula kacay  30 ki maalmood ee la soo dhafay  bal ka warama sanadkii aan ka tirsanayn muxu no gaystay maxanse ka faaidnay.” ayu Maxamed hadalkiisa ku so gabagabeyay.

Dhanka kale kulankaan waxaa ka hadlay Odayaal dhameed, dhalinyaro, haween ayado dhamaantoodba  ay diirada wada saareen sida ay uga xun yihiin  dhabaatada Ugaaskooda logu gaystay Magaalada Cadaado waxaayna ku baqeen in Maamulka Galmudug iyo Gudiga doorashada Galmudug ay rali galin ka bixiyaan xadgudubkii ay u gaysteen Ugaaska .

Sido kale  waxaay garab istaag u mujiyeen  Ugaaska beesha Sade  Axmed Barre Cali  Takooy iyo mowqifkisa ku adan  in  aysan Galmudug u yeerin cida noqonaysa Xildhibanka iyo  meesha u ka imanayo,

Kismaayo24 waxaay dhawaan idin soo gudbinaysa Sawirada Kulankaan iyo Muqaal laga soo duubay kulankaan kalsoonida logu mujiyay Ugaaska Beesha Sade,